Hoy

Ku Saabsan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka 2020/21.

Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah (GMDHDX) ee mid kasta oo ka mid ah DXDF waxaa soo magacaabay Golaha Wadatashiga Qaranka oo fulinaya Qodobka 1aad ee Heshiiskii Siyaasadeed ee soo baxay 17 Sebteember 2020, waxaana ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 26 Sebteember 2020. Sida oo kale, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhalan kara doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.