Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Mabaadii’da Guud ee Hannaanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21


  1. Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranku iyaga oo ka duulaya mabaadii’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, iyo dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharraxiinta, waxa ay laga-ma-maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaas oo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharraxiinta si sharci iyo sinnaan leh.

Qaab-dhismeedka Guddiga


  1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta musharrixiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana in ay socotaa illaa laga xaqiijiyo natiijada kama-dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.
  2. Guddigu waxa uu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo sagaal (9) xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalku (DF), halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF (DXDF), iyada oo DXDF walba ay ka imanayaan min labo (2) xubnood.
  3. Waxaa la ilaalinayaa metelaadda haweenka ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyaga oo 30% xubnaha guddigu ay noqonayaan dumar.
  4. Guddiga xaruntiisu waxa ay noqoneysaa magalada Muqdisho, waxa uuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyada oo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.
  5. Xubnaha Guddigu waxa ay kulankooda ugu horreeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).
  6. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah DXDF, waxa ayna go’aannadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Hannaanka Xalinta Khilaafaadka Doorashada 2020/21


  1. Waxaa dacwad u gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharrixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.
  2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaa go’aaminta cabashooyinka muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.
  3. Guddigu waa in uu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato.
  4. Kulamada Guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aannada guddiga waa in ay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la oggolaaday, wakiillada musharrixiinta, iyo wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.
  5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla oggol ah.
  6. Qof kasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan US $3,000 (sadex kun oo Dollarka Maraykanka ah), waraaqda caddaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga Dooroshooyinka Heer Federaal waa in uu ku soo lifaaqaa galka cabashadiisa.

Xilalka iyo Waajibaadka


Guddiga Xallinta Khilaafaadku waxa uu awood sharci ah u leeyahay in uu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:

  1. Guddigu waxa uu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada.
  2. Guddigu waxa uu xaq u yeelan doonaa in uu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharraxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, ama saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada).
  3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar oggol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyada oo la raadinayo go’aan wadar oggol ah.
  4. Muranka lagu diido go’aannada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama musharrixiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka.
  5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Go’aankaas ay madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama-denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.