Habraaca Doorashada Aqalka Sare

Habraaca Magacaabista Mushaxiinta Aqalka Sare

Sida ku cad Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federal, gaar ahaan Guddiga Maamulka Doorashada Dadban ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federalka, qodobkiisa 7aad ee hoosta ka xariiqaya Habraaca Magacaabista Musharaxiinta Aqalka Sare: Guddigu waxa uu la wadaagayaa codsi qoraal ah Madaxweynayaasha DX-DF in ay soo sharaxaan musharaxiinta Aqalka Sare ugu yaraan labo musharax kursi kasta, si waafaqsan shuruudaha xubinnimada Aqalka Sare.

Guddigu wuxuu qabanayaa waraaqaha magacaabista musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ka hubinaya shuruudaha musharaxnimada, isla markaana xaqiijinaya metelaadda qoondada haweenka ee 30%.

Shuruudaha Musharixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

  • In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya
  • Dhimirkiisu dhan yahay
  • Da’diisu ka yarayn 25 sano
  • Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  • Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  • In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.
  • In uu haysto waraaqdda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) maamul goboleed ama mid federaal.

Musharax kasta oo u tartamaya Galaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-gelinta, kuna shubaa xisaabta bangiga ee Guddiga Doorashooyinka.

  1. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare waxay noqonaysaa $20,000 (Labaatan Kun oo dollar) musharaxiinta raga iyo $10,000 (toban Kun oo dollar) musharaxiinta haweenka.
  2. Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta dib looma celinayo.

Qabashada Tartanka Kuraasta Aqalka Sare

  • Ka dib marka ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federalka usoo gudbiyaan Guddiga Maamulka Doorashada ee 2020/21 ee Heer Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federalka liiska musharaxiinta Aqalka Sare, lana hubiyo in ay u dhammeystiran yihiin dhammaan shuruudaha musharaxnimo, hubiyaanna qoondada haweenka 30%, GMDHDX waxay u gudbinayaan Guddoonka Baarlamaannada Dowaladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka, si ay u qabtaan hannanka codeynta musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlmaaanka Federalka Soomaaliya, waxayna fududeynayaan hadal jeedinta musharixiinta Aqal Sare, iyadoo tartame kasta la siinayo 10 daqiiqo oo uu kaga hadlo taariikhdiisa iyo wax qabadkiisa kahor codeynta. Iyadoo ay goob-joog ka yihiin wakiillada guddiyada labada heer ee doorashada.

Natiijada ka soo baxda doorashada waxaa loo soo gudbinayaa Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federal, si ay u siiyaan shahaadaha xillibaannimadama. Ka dibna wuxuu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka Aqal Sare.

La soo deg habraaca iyo Xeerka Anshaxa ee Doorashada Aqalka Sare oo PDF ah (934 kB)