Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF)


Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka 2020/21 ee Heer Federaal (GHDHF) waxaa magacaabay Golaha Wadatashiga Qaranka oo fulinaya Qodobka 1aad ee Heshiiskii Siyaasadeed ee soo baxay 17 Sebteember 2020, waxaana ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 26 Sebteember 2020.

Shuruudaha Xubinnimada


  1. Waa in uu yahay muwaaddin Soomaaliyeed, Muslim ah, dhimirkiisu dhan yahay, da’adiisuna ka yareyn 35 sano xilliga la magacaabayo.
  2. Waa in uu yahay qof dhexdhexaad ah, kuna leeyahay sumcad wanaagsan bulshada dhexdeeda.
  3. Waa in uu yahay qof hufan, karti leh, una gudan kara waajibaadkiisa si daahfuran.
  4. Waa in Maxakamadi aysan ku xukumin xarig ka dhashay fal danbiyeed ciqaab ah shanti sano ee ugu danbeysay.
  5. Waa in uusan xil-siyaasadeed ka hayn dalka.
  6. Waa in aqoontisu aysan ka hooseyn heerka kowaad ee Jaamacadda ama waayo aragnimo u dhiganta uu leeyahay.
  7. Waa in uu fahmi karo hagayaasha nidaamka doorashooyinka ee 2020/21.
  8. Waa in uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada.

Qaab-dhismeedka Guddiga


  1. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka 2020/21 ee Heer Federaal (GHDHF), waxa ay kulankooda ugu horeeya iska dhex-dooranayaan Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenka waxaa lagu dooranayaa aqlabiyad ah 50%+1 ee xubnaha guud ee guddiga.
  2. Shirarka Guddigu waxa ay ku qabsoomayaan saddex meelood labo meel ee tirada guud ee Guddiga.
  3. Guddigu waxa ay go’aannada ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

Xilalka iyo Waajibaadka Guddiga

  1. Guddiga GHDHF waxa uu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doorashada iyo xaqiijinta in ay si isku mid ah u dhacdo.
  2. Guddiga GHDHF waa hay’adda ugu sarreysa ee kormeerka iyo hagidda hannaanka doorashada ee 2020/2021.
  3. Guddigu waxa uu qorsheynayaa isla markaana hagayaa habka doorashada dalku u dhacaysa.
  4. Guddigu waxa uu dajinayaa miisaaniyadda doorashada waxa uu na u maamulayaa si waafaqsan nidaamka maaliyadeed ee dalka.
  5. Guddigu waa in uu ku dhaqmaa habraacyadii la isticmaalay doorashadi 2016, waafajiyaana hannaanka doorashada ee 2020/21. Sidaa daraadeed, habraacyada aan ku caddeyn doorashada 2020/21, waxaa loola noqonayaa habraacyadii doorashadii 2016.
  6. Guddigu waxa uu hubinayaa xarumaha loo asteeyey doorashada isaga oo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer DXDF.
  7. Guddigu waxa uu hubinayaa habraaca ay ku yimaadeen xubnaha ergooyinka doorashada, musharrixiinta, iyo ku dhawaaqidda natiijada doorashada.
  8. Guddigu waxa uu shaqaaleysiinayaa howlwadeennada lagama maarmaanka u ah fulinta howlaha Guddiga.
  9. Guddigu waxa uu daba-galayaa fulinta hannaankii lagu heshiiyey ee qabsoomidda doorashada.
  10. Guddigu waxa uu daabacayaa, qaybinayaana waraaqaha codbixinta iyo agabka kale ee muhiimka u ah qabsoomidda doorashada.
  11. Guddigu waxa uu kormeerayaa, tababbarayaa, kaalmaynayaa, hubinayaana in Guddiyadu ay raaceen habraacyadii iyo hannaanka doorashada ee la isku raacay.
  12. Guddigu waxa uu sameynayaa anshaxa hab-dhaqanka hannaanka doorashada (Code of Conduct).
  13. Guddigu waxa uu dhiirra-gelinayaa haweenku in ay u tartamaan, kana qeyb-galaan olalaha doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
  14. Guddigu waxa uu oggolaansho siinayaa xubnaha korjoogtada doorashada ee heer caalami iyo kuwa dalkaba.
  15. Guddigu waxa uu ku dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Shacabka.
  16. Guddigu waxa uu kala wareegayaa Guddiyada Maamulka Doorashada ee Heer DXDF dhammaan natiijooyinka doorashada ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo saxiixan si uu u siiyo shahaadooyinka xubinnimada Baarlamaanka Federalka.
  17. Guddigu waxa uu si joogto ah ula wadaagayaa Golaha Wadatashiga Qaranka hadba meesha shaqadu marayso iyo caqabadaha jira.
  18. Guddigu waxa uu maamulayaa Jadwalka Doorashada.
  19. Guddigu waxaa uu qaban-qaabinayaa dhaarta Xubnaha Baarlamaanka ee la soo doortay ee Labada Aqal.

* DF: Dowladda Federaalka

* DXDF: Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka