Hannaanka Doorashada


Goobaha Doorashada

Golaha Shacabka & Aqalka Sare


Sida uu dhigayo qodobka 2aad ee Heshiiskii Siyaasadeed ee soo baxay September 17, 2020, deegaan-doorashooyinka DXDF ayaa laga astaynayaa labo (2) magaalo oo ah caasimadaha DXDF ee uu ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kastaa. Jaantusyada hoose waxa uu muujin goobaha loo asteeyey codbixinta.


Wadarta Guud ee Xildhibaannada Golaha Shacabka

Wadarta guud ee kuraasta Golaha Shacabka waxaa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir loogu qaybiyey sida ku cad shaxda hoose.

Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka


Kuraasta Golaha Shacabka waxaa beelaha iyo goobaha cod-bixinta loogu asteeyey sida ku cad jaantusyada hoose.