Ku Saabsan

Iyada oo la fulinayo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay doortaan mas’uuliyiinta ku metelaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban madaxda Dowladda Federaalka (DF) iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DXDF) ee Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland, iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ay kulamo is xig-xiga ku yeesheen magaalooyinka Samareeb iyo Muqdisho intii u dhexeysay 19 Luulyo illaa 17 Sebteember 2020.

Go’aannada Golaha Wadatashiga Qaranku kulamadaas ka soo saareen waxaa lagu soo afmeeray heshiiskii siyaasadeed ee 17 Sebteember 2020, labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya na ansixiyeen 26 Sebteember 2020.

Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay tashiyadooda ku dejiyeen mabaadii’da doorashada, nidaamka guddiyada maamulaya doorashada, iyo habka lagu xallinayo wixii khilaaf ah oo ka dhasha geeddi-socodka doorashada.

Guddiyada doorashada maamulaya, waxaa Goluhu go’aamiyeen in ay ka koobnaadaan Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer DXDF (GHDHD).

GHDHF oo ka kooban labaatan iyo shan (25) xubnood, waxa ay DF soo magacaabaysaa 13 xubnood, halka labo iyo toban (12) xubnood si is le’eg uga kala imaanayaan DXDF ee Soomaaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland. Guddigaan oo xilkiisa u gudan doona si ka madax-bannaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aannada gaara ayaa saldhiggiisu yahay caasimadda Muqdisho.

Sidoo kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay oggolaadeen in Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) lagu dhiso sagaal (9) xubnood oo ay soo magacaabayso DF, halka labo iyo tobanka (12) xubnood ee kale ay min labo (2) xubnood uga kala imaanayaan DXDF ee Soomaaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland.

Guddiyada Maamulka Doorashada ee Heer DFXDF waxa uu midkiiba ka kooban yahay toban iyo kow (11) xubnood, kuwaas oo sideed (8) ka mid ah ay soo magacaabi doonto Dowladda Xubinta ka ah DF, halka ay Dawladda Federaalku magaacabayso min seddex (3) xubnood guddi walba oo ah heer DFXDF. Dhanka kale, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay go’aamiyeen in Guddiga Maamulaya Doorashada Soomaaliland ay soo magacawdo Xukumadda Dowladda Federaalka ah iyaga oo la tashanaya Siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliland.

Guddi walba oo ka mid ah guddiyadaan waxaa loo qoondeeyey in haweenku ku yeeshaan ugu yaraan 30% xubnood.

Haddaba, isaga oo go’aannadaas tixraacaya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Md. Maxamed Xuseen Rooble waxa uu Xeer Ra’iisul Wasaare XRW/237/11/2020 oo soo baxay 4 Nofeembar 2020 ku magacaabay xubnaha GHDHF iyo GXKHD.