Mabaadii’da Doorashada


  1. Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo fulinaya heshiiskii siyaasadeed ee soo baxay September 17, 2020, qodobkiisa 1aad oo dhigaya Magacabista Guddiyo labo heer ah, ansixiyeenna Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, September 26, 2020, waxay habraacaan ku qeexayaan guddiyo labo heer ah oo kala ah Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah (GMDHDX) Dowlada Federalka ah (DF) ee 2020/2021 ay yeelanayso mid kasta oo ka mid ah Dowladaha Xubnaha ka ah DF.
  2. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay isla qaateen in la diyaariyo lana bilaabo ka shaqeynta hannaanka doorshooyinka toos ka ah ee hal qof iyo hal cod (1Q1C) ee 2024/2025.
  3. Golaha Wadatashiga Qaranku, wuxuu go’aamiyay in Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal 2020/21 uu ka koobnaado 25 xubnood, oo 13 ka mid ah ay soo magacaabeyso DF, halka 12 xubnoodna soo magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF.
  4. Guddigu waxay u gudan doonaan xilkooda, si ka madax-bannaan mas’uuliyiinta siyaasadda iyo hay’adaha labada heer ee go’aanada gaara.
  5. Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumarku, si loo xaqiijiyo ka qayb-galka siyaasadeed ee dumarka.
  6. Miisaaniyadda Guddigu ku shaqaynayo waxaa bixinaya Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera doorashooyinka.
  7. Muddo-xileedka Guddiga, waxay ku egtahay hirgalinta doorashada ee 2020/21.