Waaxda qoondada haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Waaxda qaabilsan arrimaha Haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) waxay u taagan tahay hubinta iyo xaqiijinta in doorashada 2021 ay haweenku helaan ugu yaraan 30% xubnaha baarlamaanka, iyo in ay xaqiijiso xalinta caqabadaha ku gedaaman tartanka haweenka u gelayaan kuraasta.

Qaybta Haweenka ee GHDHF waxay ku shaqaynaysaa awaamiirta guud ee habraacyada doorashada ee guddiga oo waafaqsan heshiiskii 17 Sebteembar 2020 oo Gollaha Wadatashiga Qaran(GWQ) shir ay ku yeesheen Muqdisho ku gaareen hanaanka Doorashadu ay u dhacayso, si gaar ahna loogu xusay in ay sharci tahay xaqiijinta qoondada haweenka. Guddigu waxaa ka go’an in ay qaadaan talaabooyinkan soo socda, si ay u xaqiijiyaan xubnaha baarlamaanka, ergooyinka loo qoondeyey haweenka iyo dhammaan fursadaha kale ee ay ku leeyihiin waqtiga doorashada federaalka:

  • Waxay isticmaali doontaa dhammaan awooddooda, si ay u hubiyaan in xubnaha baarlamaanka soo baxayaa noqdaan 30 boqolkiiba haween.
  • Waxay fulinaysaa tilmaamaha iyo istiraatijiyada loo dejiyey, si loo hirgeliyo qoondada haweenka ee 30%
  • Waxay la shaqaynayaan dhammaan cid kasta oo saameyn leh (actors) oo ay ka mid yihiin madaxda DFS, Dawladaha Xubnaha ka ah DFS iyo odayaal dhaqameedyada, si loo xusuusiyo waajibaadkooda ku aadan in qoodada haweenka laga xaqiijiyo deegaanadooda iyo goboladooda. Waxaa lagu wargelin doonaa in ay asteeyaan kuraasta haweenka, si loo xaqiijiyo in kuraastaas loo ilaaliyay haweenka musharaxiinta ah (sida ku cad xeerka doorashooyinka).
  • Waxay la socon doontaa qorshaha ay sameeyeen Madaxda Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka iyo odeyaal dhaqameedyada ee loogu talagalay ku guuleysiga qoondada 30% ee haweenka iyo in ay hubiyaan in qorshahaas si dhameystiran u fulay.
  • Waxay xaqiijin doonaan in beelaha sadexda kursi leh midkood loo asteeyo haweenka. Haddii ay dhici weydo sidaas, FEIT, SEIT and FMS ayaa xaqiijin doonaan fulinta heshiiskaas.
  • Waxay ku adkaynaysaa madaxda Xubnaha ka ah Dawladaha Federaalka iyo odayaasha qabaa’ilka in qoondada haweenku ay tahay hanaan sharci oo ka mid ah heshiiska doorashada.
  • Waaxda haweenku waxay diiwaangelin doontaa, jawaabna ka bixin doonaa caqabadaha ay la kulmaan haweenka musharaxiinta ah waqtiga doorashada lagu guda jiro
  • Waxay xaqiijinaysaa in lagu guuleysto qoondada haweenka ee wakiilo uga noqonaya ergada dooran doonta xubin kasta oo Golaha Shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka
  • Waaxda Haweenka waxay hubinaysaa in wakiilo haweenku ku yeeshaan la socodka iyo kor-joogteynta cod-bixinta
  • Waaxda Haweenka waxay xaqiijinaysaa in ay haweenka musharixiinta heli doonaan awoodsiin, aqoon iyo tababar ku saabsan hanaanka doorashada, iyo xuquuqdooda ku aadan ololaha tartankooda iyo weliba in ay heli karaan madal saxaafadeed si ay ajendahooda ugu gudbiyaan dadweynaha.
  • Waaxda gaarka ah ee Guddiga Haweenku leeyahay waxaa uu maalin walba uu diiwaangelinayaa dhammaan hawlaha sare loogu qaadayo laguna xoojinayo qoondada haweenka, iyo diiwaangelinta caqabadaha lala kulmay waqtiga doorashada lagu guda jiro.
  • Waaxdu waxay xoogga saraysaa bedqabka haweenka qaybta ka ah doorashada iyo in ay helaan hanaan ay degdeg ugu soo gaarsiin karaan cabashadooda laamaha ay qusayso.

Waaxda Haweenka waxay diyaarin doonaa warbixino qeexaya caqabadihii lala kulmay, qaababkii loo hirgeliyay ahdaafta, iyo isbedelada la sameyn karo si doorashada 2025 ay u noqoto mid guul dhab laga gaaro islamarkaana horumar ugu noqoto ballanqaadka Guddiga ee ah fulinta ujeedooyinka iyo howlgalka kor ku xusan.