Guddoonka Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Doorashada iyo Sugidda Amniga

Guddoonka Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Doorashada iyo Sugidda Amniga

BAYDHABO: 27-Oktoober-2021

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Md. Maxamed Xasan “Cirro” oo ay weheliyaan guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Yuusuf Cabdiqaaddir Maxamed iyo xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka oo maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo ka kooban saddax (3) hool oo loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Golaha Shacabka iyo xarunta laga sugayo amniga doorashada inta ay socoto.

Guddiyada doorashooyinka ayaa sidoo kale kulan la yeeshey odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana lagu war geliyay in dhawaan ay bilaaban doonaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana odayaasha dhaqanka ay kula dardaarmeen in ay u caddaalad falaan musharraxiinta tartamaya.

Guddoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan “Cirro” ayaa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey hoolalka iyo sugida amaanka doorashada, wuxuuna sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan ka codsadey in ay Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya kala shaqeeyaan sugidda Amaanka, ergooyinka iyo goobaha codbixintu ay ka dhacayaan.

Ugu danbayn, guddiyada doorashooyinka heerar kooda kala duwan ayaa kulan is-xogwareysi ah kula yeeshey Xarunta Amniga Doorashooyinka sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan kuwaas oo hadda ku howlan sugida Amniga Doorashooyinka.