Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Shir La Qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen

Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Shir La Qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) iyo Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan saacado qaatay la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.

Guddoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Md. Maxamed Xasan Maxamed “Cirro” iyo Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya, Md. Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa si wadajir ah Madaxweynaha warbixin uga siiyey u diyaar garowga doorashada Golaha Shacabka dhinacyada farsamada, foomamka, habraacyadii lagu shaqaynayey iyo maaliyadda waxaana dhanka kale guddiyadu ay ka warbixiyeen sida ay doonayaan in ay u qabtaan doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” oo ay weheliyaan Guddoonka Baarlamaanka Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya awaa waxa ay Guddiga uga mahadceliyeen booqashada ay ugu imaadeen iyo warbixinta ay la wadaageen.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in doorashada Golaha Shacabka ay ku qabtaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

Ugu danbayn, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa Maalmo joogi doona Magaalada Baydhabo si ay kulan ula qaataan Qeybaha kala duwan bulshada magaalada Baydhabo.