Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed oo Muqdisho kulan ku yeeshay

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed oo Muqdisho kulan ku yeeshay

17-ka Oktoobar — Muqdisho

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ayaa kulan afar casho ah ku yeeshay Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo ahaa aqoon isweydaarsi lagu turxaanbixinayey doorashooyinka Golaha Shacabka ee soo fool leh ayaa lagu lafaguray casharradii laga soo bartay doorashooyinkii Aqalka ee sare ee inta badan soo dhameystirmay.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen, xubno guddiyada labada heer ee doorashooyinka ka kala socday ayaa kulakooda afarta maalimood qaatey ku falanqeeyay ajandayaal ay ka mid ahaayeen, qaabka loo wajahayo habka xulidda dadka codeynaya iyo mideynta nidaamka doorasho ee ka dhacaya goobaha kala duwan ee doorashooyinka .

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Mudane Maxamed Xasan “Cirro” ayaa furitaankii shirka ku bogaadiyey dhammaan xubnaha guddiyada doorashooyinka, in ay gutaann waajibka qaran ee dhammaan xubnaha guddiyada dusha ka saaran. Waxaa uuna guddoomiyuhu ku ammaanay guddiyada sida ay ugu dhabar adeygeen hawlaha Qaran oo ay adagtahay in si fudud loo meelmariyo.

Guddoomiyaalka Hirgelinta Doorashooyinka heer Maamul Goboleed ayaa iyaguna dhankooda muujiyey sida ay uga go’antahay meelmarinta waajibaadka Qaran ee loo igmaday; islamarkaana ballanqaadey meelmarinta go,aanadii laga soo saarey aqoon isweydaarsigii dhaxmarey labada guddi ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Halkaan ka la soo deg war-saxaafadeedka (Soomaali; PDF; 325 kB)