Natiijada Doorashadii Aqalka Sare ee 4 Oktoobar 2021 Dhacday Jowhar, Hirshabeelle

Natiijada Doorashadii Aqalka Sare ee 4 Oktoobar 2021 Dhacday Jowhar, Hirshabeelle

Jowhar, Oktoobar 5, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) waxaa uu soo dhaweynayaa doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar taariikhdu markii ay ahayd 4-tii bisha Oktoobar, ee lagu doortay labadii kursi ee ka hadhsanaa xubnaha Aqalka sare ku matalaya Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddigu waxaa uu bogaadinayaa hannaankii doorshadii xubnaha Aqalka saree e lagu doortay Magaalada Jowhar, oo ay ka muuqatay daahfurnaan iyo tartan xalaal ah oo ay hirgelisay Dowlad Gobaleedka Hirshabele.

Magacyada xubnaha Aqalka sare ee lagu doortay xarunta HirShabeelle 4-tii bisha Oktoober.

  1. Cali Shacbaan Ibraahim (#UH-14)
  2. Samsam Cabdullaahi Xuseen (#UH-08)

Doorashada labada mudane Aqalka sare ee Hirshabeelle ayaa ka dhigeysa maamulka HirSshabeelle inuu ka mid noqdo maamulada dhameystiray soo saarida mudanayaasha Aqalka sare, sida Puntland, Koonfur Galbeed iyo Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland, taasi oo gaarsiinaysa tirada xubnaha Aqalka sare ee ilaa hadda la doortay 48 xubnood.

Guud ahaan xubnaha ka dhiman Aqalka sare ee ilaa hada aanay dhicin doorashadoodu waa 6 xubnood oo Keliya, kuwaas oo ku kala dhimman maamullada Galmudug iyo Jubbaland.

Ilaa hadda tirada guud ee xubnaha Aqalka sare ee la doortay waa 48 xubnood, iyada oo 12-ka mid ah ay yihiin Dumar, taasoo ka dhigan in ilaa hadda xubnaha dumarka ee ku soo baxay Aqalka Sare ee BFS ay gaadhayaan 25%, iyada oo ay dhiman yihiin kuraasta hadhsan ee kor ku
xusan.

Haddaba waxaan ka rajeyneynaa in xubnaha Aqalka sare ee ku dhimman maamulada qaarkood in ay xil iska saaraan sidii ay u dhameystiri lahaayeen xubnahaasi, loona ilaalin lahaa xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%.

Guddiyada Doorashooyinku waxay ku jiraan dadaal xoogan oo ku aadan diyaar garowga qabashada doorashooyinka Gollaha shacabka oo dhawaan la filaayo in ay bilaamanto.

Halkan kala soo deg war-saxaafadeedka (PDF; Soomaali; 310 kB)