Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Soomaaliland)

Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi (Soomaaliland)

War-saxaafadeed – 1 Oktoobar, 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Waxa uu bogaadinayaa habka doorashada kuraasta Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Muqdisho, labada maalmood ee Arbaco iyo Khamiis oo ku kala taariikheysnayd 29-ka iyo 30- ka Sebtamber ee 2021.

Maalintii Arbacada ahayd ayaa la doortay lix xubnood, halka Khamiisna la doortay shan xubnood oo isugeyntoodu tahay koow iyo toban xubnood ee matalaya Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland. Halkaa waxa lagu soo afmeerey doorashada xunbaha 11-ka ah ee Aqalka sare ee loo asteeyey Gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro oo ka warbixinayey habsami u socodka doorashooyinka ayaa yiri, “Runtii doorarashooyinka Aqalka sare ee soo bilowday horaantii bisha Agoosto ayaa waxa ay soo martay duruufo adag oo isagu jirey qaar meel dhexaad ahaa iyo kuwo adkaa. Hadda oo ay doorashada Aqalka sare soo gaadhay heer gabogabo ah ayaan ugu baaqayaa in si dedgeg ah loo soo dhameystiro xubnaha sideedda ah ee hadhsan, si aan u gudagalno doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo runtii ka baaxad weyn Aqalka sare, islamarkaana ka hawl adag. Waxa loo baahanyahay in aad loo adkeeyo meelmarinta heshiisyadii la gaadhay iyada oo marwalba ay tahay in la xusuusnaado danta umadda Soomaaliyeed iyo wadajirkeeda inuu ku xiranyahay doorasho xalaal ah oo hufan.”

Magacyada Xubnaha cusub ee loo doortay Aqalka sare e matalaya Gobollada Waqooyi ee Soomaaliland iyo waqtiga la doortay

  1. Cabdi Xaashi Cabdillaahi (29/09/2021)
  2. Saalax Axmed Jaamac (29/09/2021)
  3. Cabdi Ismaaciil Samatar (29/09/2021)
  4. Cismaan Oboker Dubbe (29/09/2021)
  5. Layla Axmed Ismaaciil (29/09/2021)
  6. Bilaal Idiris Cabdillaahi (29/09/2021)
  7. Siciid Cabdi Xuseen “Cawke” (30/09/2021)
  8. Axmed Maxamed Saciid (30/09/2021)
  9. Naciima Xassan X. Maxamuud “Gadhweyne” (30/09/2021)
  10. Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed “Qorane” (30/09/2021)
  11. Deeqa Xasan Xuseen (30/09/2021)

Illaa hadda waxa soo idlaaday doorashada 46 kursi oo 11 ka mid ah yihiin haween ee kuraasta Aqalka sare oo tiradooda guud tahay 54 kursi.

Kuraasta Aqalka sare ee aan wali la dooran waa sidan:

  • Jubaland: 4
  • Galmudug: 2
  • Hirshabelle: 2

Halkaan ka soo degso war-saxaafadeedka (PDF; 164 kB; Af-Soomaali)