Natiijada Maalinta Kowaad ee Dooraashada Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar, Hirshabelle

Natiijada Maalinta Kowaad ee Dooraashada Aqalka Sare ee ka dhacday Jowhar, Hirshabelle

Jowhar – 14 Sebteembar 2021

Waxaa caasimadda Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle ee Jowhar ka bilowday tartanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Maalinta kowaad ee doorashada siddeed tartame ayaa u baratamay saddexda kursi ee #UH13, #UH10 iyo #UH09.

Waxaa ku tartamay kursiga #UH13 musharixiinta

  1. Muuse Suudi Yalaxow
  2. Axmed Xasan Cadoow “Daaci”
  3. Cabdullaahi Sheekh Xasan
  4. Dr. Xasan Cadaay Cali

Kursiga #UH10 waxaa ku tartamay musharixiinta

  1. Prof. Maxamed Cusmaan Dhagajuun
  2. Nuur Maxamed Geedi “Canjeex”

Kursiga #UH09 waxaa ku tartamay musharixiinta

  1. Fartuun cabdiqadir Faarax karaama
  2. Sacdiya Yaroow Aadan

Waxaa natiijadadoorashadii ku guuleystay  musharixiinta kala ah

  1. Xaaji Muuse Suudi yalaxaw
  2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)
  3. Fartuun Cabdiqadir Faarax karaama