War-saxaafadeed: Natiijada Doorashada Aqalka sare ee 15/8/2021 ka dhacday Baydhabo

War-saxaafadeed: Natiijada Doorashada Aqalka sare ee 15/8/2021 ka dhacday  Baydhabo

Mudisho, 15-ka Agoosto 2021: Guddiga doorashooyinka  Heer Federaal ayaa wuxuu soo dhaweynayaa natiijada doorashada Aqalka sare ee 15-ka Agoosto ka dhacday caasimadda kumeel gaar ka ah ee dawlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Magacyada saddexda xubnood ee Aqalka sare loogu doortay Koonfur Galbeed maanta

  1. Xasan Xuseen Xaaji
  2. Cabdwali Maxamed Ibrahim
  3. Cali Sheekh Maxamud Gacal

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu u mahadcelinayaa Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed oo si buuxda u soo dhameystirtay doorashada xubnaha siddeeda ah ee Baarlamaanka Aqalka Sare. Dawlad Goboleedka Kuunfur Galbeed ayaa noqotay Maamul Goboleedkii labaad oo soo dhammeystira doorashada xubnaha Aqalka Sare ee 2021; taasoo runtii mudan ammaan ku aadan sidii ay xil isaga saareen DKG iyo shacabkeeda habsami u socodka iyo dadejinta doorasha si’ ugu yaraan loogu dhawaado waqtigii loo asteeyey doorashada.

Guddoomiya Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa baaq u direy Maamul Goboleedyada kale ee aan wali soo dhameystirin doorashada xubnaha Aqalka Sare in ay xil weyn iska saaraan kasoo dhalaalidda ballamihii iyo heshiisyadii ay saxiixeen si shacabka Soomaaliyeed u helaan dawlad sharci ku dhisan islamarkaana matasha doonitaanka shacabkeeda.

 “Guddiga waxa uu cod dheer ugu baaqayaa Maamul Goboleedyada dhammaan in ay xil adag iska saaraan fulinta heshiisyadii horey loo gaaray oo runtii ah is-afgarad sahlaya in aan si nabdoon ku gaarno nidaam sharci ku dhisan.”

Degso war-saxaafadeedkaan (PDF; 159 kB)