War-saxaafadeed: Doorashada Kuraasta HOP#237 iyo HOP#239 ee Xildhibaannada Soomaaliland ku metelaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

War-saxaafadeed: Doorashada Kuraasta HOP#237 iyo HOP#239 ee Xildhibaannada Soomaaliland  ku metelaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

MUQDISHO — 1da Nofeembar 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxa uu bogaadinayaa bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Doorashadaasi oo ka dhacday Dugsiga tababarrada Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Muqdisho, isla markaana ah xarunta loo asteeyay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Labada kursi ee HOP#239 iyo HOP#237 ayaa waxaa u kala tartamayey musharraxiinta kala ah:

HOP#239

  1. Mahdi Maxamed Guuleed “Khadar”
  2. Mushtaaq Ibraahim Yuusuf

HOP#237

  1. Biixi Iimaan Cige
  2. Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil

Natiijada hordhaca ah ee doorashadii maanta waxa kursigii 1aad ee ay sumadiisu ahayd HOP#239 ku soo baxay mudane Mahdi Maxamed Guuled “Khadar” oo helay 97 cod, halka kursigii 2aad ee Golaha shacabka ee ay sumadiisu ahayd HOP# 237 uu kusoo baxay mudane Biixi Iimaan Cige oo helay 91 cod.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celinayaaan Ra’iisalwasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi Somaliland (SEIT) oo muujiyay dadaal dheeri ah.

Ugu danbayn, waxa aan ugu baaqaynaa dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku ku jiro.