Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo xoojinta ka qayb galka siyaasada ee Haweenka.

Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo xoojinta ka qayb galka siyaasada ee Haweenka.

Axad 06/02/2022 Garoowe: Magaalada Garoowe waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo xoojinta ka qayb galka siyaasadda Haweenka si loo xaqiijiyo qoondada 30% Ee haweenka doorashooyinka aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo goobjoog ay ka ahaayeen Xubno ka mid ah Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ahaa mid lagu xoojinayo ka qeyb galka dhanka siyaadada iyo xaqiijinta qoondada 30% Ee Haweenka Doorashooyinka aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.