Madaxa xaqiijinta Qoondada haweenka ee Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo war ka soo saartay.
War-saxaafadeed: Doorashada Kuraasta HOP#237 iyo HOP#239 ee Xildhibaannada Soomaaliland ku metelaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka
Guddoonka Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Kormeeray Xarumaha Doorashada iyo Sugidda Amniga
Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Koonfur Galbeed oo Shir La Qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen
Sharciyadda Doorashooyinka 2020/21
Sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddada xil-heynta Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku waa afar (4) sano, taas darteed ayaa dalku 2020/21 ugu dareerayaa doorashada Baarlamaanka 11aad iyo Madaxweynaha 10aad.
Liiskaan waxaa ku jira, habraacyada, xeerarka iyo foomanka la xiriira hannaanka doorashada, ee ay muhiim tahay in ay raacaan musharraxiinta u tartamaya kuraasta Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Foomanka Doorashada
- (1) Habraaca iyo Xeerka Anshaxa ee Doorashada Aqalka Sare
- (2) Xeeka Anshaxa ee murashaxiinta u tartamaysa kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka JFS
- (3) Foomka Caddaynta Murashaxnimada ee xubnaha u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
- (4) Foomka Diiwaan-galinta Murashaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
- (5) Tilmaamaha Diiwaangelinta Murashaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
- (6) Foomka codsiga ee Korjoogayaasha Doorashada 2020/2021
- (7) Xeerka Anshaxa Korjoogayaasha Doorashada iyo Wakiillada Musharrixiinta
- (8) Qorshaha Hawlgalka Doorashada Golaha Shacabka
Fadlan foomanka iyo Xeerka Anshaxa oo dhammaantood saxiixan, iyo dukumiintiyada kale ee ku cad foomka saddexaad (3) ku soo dir emailka diiwaangalinta ee guddiga:
Ku Saabsan Guddiyada Doorashooyinka 2020/21
Guddiga Hirgalinta Doorashada ee Heer Federaal (GHDHF) iyo Guddiga Maamulka Doorashada ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka ah (GMDHDX) ee mid kasta oo ka mid ah DXDF waxaa soo magacaabay Golaha Wadatashiga Qaranka oo fulinaya Qodobka 1aad ee Heshiiskii Siyaasadeed ee soo baxay 17 Sebteember 2020, waxaana ansixiyey labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 26 Sebteember 2020.
Sida oo kale, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhalan kara doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.