Warsaxaafadeed: Shaacinta Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare & Foomamka Musharaxiinta

Warsaxaafadeed: Shaacinta Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare & Foomamka Musharaxiinta

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna maanka ku haya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta aqalka sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday dowlad goboleedyada inay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta aqalka sare.

Guddiga isagoo tixgalinaya baaxada howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku booriyey mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada inay qaataan doorkooda kaga aadan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo inay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u najixi lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo ku saleysan hufnaan.

Guddiga ayaa ka codsanaya madaxda dowlad goboleedyada inay kaalintooda kaga aadan ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.