Shaacinta Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Shaacinta Jadwalka Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya

23 Diseembar, 2020

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) isagoo tix gelinaya heshiiskii 17 Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ka koobnaa Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka. Heshiiskaas oo dhigayey hannaanka iyo xilliga ay doorashadu ka dhacayso dalka.

Guddigu isagoo ka duulaya hawlaha iyo waajibaaka loo igmaday iyo marxaladdan xaasaasiga ah ee uu dalku ku jiro iyo waxa ka dhalan kara dib u dhac kale oo ku yimaada wakhtiga doorashada, loona baahan yahay in la xaqiijiyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo xilligeeda ku qabsoonta.

Guddigu isagoo tix raacaya qodobada heshiiska 17 Sebteembar 2020, wajibaadkiisa shaqo ee uu Golaha Wadatashiga Qaran siiyayna gudanaya si ay dalku uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, wuxuu maanta oo ay tariikhdu tahay 23 Diseembar 2020 shaacinayaa taariikhda rasmiga ah ee doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay dhacayaan.

Sida ku cad hab raaca doorashada iyo heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, waxaa la soo hormarinayaa doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare oo ay qabanayaan Baarlamaannada Dowlad Goboleedyadu.

Sidaas darteed, diiwaangelinta tartamayaasha Doorashada Aqalka Sare waxay bilaabanaysaa 26 Diseembar 2020, halka laga sugayo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada in liiska musharrixiinta ay soo saaraan 29 Diseembar 2020, waxaana doorashada kuraasta Golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhexaysa 31 Diseembar 2020 ilaa 6 Jannaayo 2021.

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxa ay sidoo kale 7 Jannaayo 2021 gudo galayaan diiwaangelinta, xaqiijinta iyo tababbarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada kuwaas oo lagu faahfaahiyay shuruudahooda habraacyada doorashada.

Guddigu wuxuu rajaynayaa in dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka ay si hufnaan leh uga wada qayb qaataan tartanka doorashada, beelaha Soomaaliyeedna waa in ay kaalintooda ka qaataan hawlaha doorashada, xulista ergooyinka iyo ka qeybgalka tartanka kuraasta Labada Aqal, iyada oo laga fogaanayo dhammaan wixii khilaafaad keeni kara.

Ugu dambeyn, korjoogayaasha gudaha iyo dibadda waa in ay qaataan doorkooda ku aadan la socoshoda sida doorashooyinka u dhacayaan, si loo xaqiijiyo hufnaanta hannaanka doorashada dalka.

DHAMMAAD