Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) oo Kulan la Qaatay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) oo Kulan la Qaatay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan wadatashi ah la qaadatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF), waxa ayna culumadu talooyin wax ku ool ah ku biiriyeen hawlaha haatan socda ee doorashooyinka 2020/21 iyo in hannaanku uu noqdo mid hufan oo laga wada qeyb qaatay.

Xubnaha GHDHF ee culimada la shiray ayaa dhankooda la wadaagay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed shaqooyinka baaxadda leh ee illaa iyo haatan guddiga uqabsoomay, kuwa qabyada ah, iyo tallaabooyinka xiga ee lagu xaqiijinayo in dalka looga hirgeliyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo waafaqsan heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17 Sebteembar 2020.