Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo Doortay Hoggaan Cusub

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) oo Doortay Hoggaan Cusub

Muqdisho, Soomaaliya

5 Diseembar, 2020

Guddiga Hireglinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isaga oo ka duulaya waajibaadkii ay u igmadeen Golaha Watashiga Qaranka ee heshiiska siyaasadeed ku gaaray magaalada Muqdisho 17 Sebteembar 2020;

  • Kaddib markii uu muddo bil ah siiyay tababarka, dajinta habraacyada muhiimka u ah shaqada Guddiga iyo isla jaan qaadka xubnaha gudiga ee Muqdisho ku sugan;
  • Kaddib markii uu qiimeyay mas’uuliyadda culus ee ka saaran in dalkan ay ka dhacdo doorasho hufan oo xor iyo xalaal ah, lagana fogaado dib u dhac dheeri ah oo ku yimaadda jadwalka doorashada ee ku xusnaa heshiiskii siyaasadeed ee ay wada gaareen Madaxda Dawladda Federalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ah Dowladda Federaalka;

Waxa uu Guddigu guda galay qabanqaabada doorashada Guddoonka Gudddiga. Sidaas darteed waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 05/12/2020 ku qabsoomay Hotel Decale doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga.

Waxaa soo xaadiray 20 xubnood oo ka mid ah 25 xubnood ee Guddigu ka kooban yahay, waxaana xilka Guddoomiyaha isu soo taagay Dr. Libaan Abuukar Cismaan iyo Mudane Maxamed Xasan Maxamed, halka Guddoomiye Kuxigeenka ay isu soo taageen Mudane Yusuf Maxamed Kheyr iyo Qareen Mowliid Mataan Salaad.

Codku waxa uu u dhacay sidan soo socota;

  • Wareegii koowaad ee doorashada waxaa Mudane Maxamed Xassan Maxamed uu helay 17 cod, halka Dr. Liibaan Abuukar Cismaan uu helay 3 cod.
  • Intaas kaddib waxaa la bilaabatay doorashada Guddoomiye Kuxigeenka, balse intii aan codeyntu bilaaban ayaa waxaa tanaasulay Mudane Yusuf Maxamed Kheyr. Sidaas darteed sida Xeer Hoosaadka Guddigu uu dhigayo, waxaa xubnihii Guddigu si gacan taag ah wadajir ugu ansixiyeen in Mowliid Mataan Salaad oo ahaa musharrixii labaad uu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.
  • Gunaanadkii, Guddigu waxa uu u ballan qaadayaa ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan daneeyeyaasha arrimaha doorshooyinka in waajibka qaran ee saaran uu u gudan doono si hufan, daah furan oo caddaalad ah., wuxuuna Guddigu ka codsanayaa dhinacyada oo dhan in ay garab ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla.

DHAMMAAD