War-saxaafadeed: Isbedel ku Yimid Wakhtiga Doorashada

War-saxaafadeed: Isbedel ku Yimid Wakhtiga Doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) waxa uu daneeyeyaasha arrimaha doorashooyinka ku wargelinayaa in isbaddal uu ku yimid jadwalka doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee horey loo qorsheeyey in ay bilaabmato 31 Diseembar 2020 illaa 6 Jannaayo 2021.

Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5 Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7 – 14 Jannaayo 2021.

Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka uga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.

Muddadaas waxaa lagu dhammeystirayaa hawlaha qabyada ah ee dhanka qabashda codsiyada murashixiinta iyo diyaarinta agabyada iyo deegaanka ay ku shaqeynayaan Guddiyada Maamulaya Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada tixgelinta ay siiyeen codsiga Madaxweynaha Galmudug si doorashada Aqalka Sare ay hal mar u wada qabsoonto.