Warsaxaafadeed: Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku metelaya Maamul-Goboleedka Puntland ee Garoowe ka Dhacday 11 Agoosto 2021

Warsaxaafadeed: Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ku metelaya Maamul-Goboleedka Puntland ee Garoowe ka Dhacday 11 Agoosto 2021

Muqdisho, 12 Agoosto 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal wuxuu soo dhaweynayaa natiijada doorashada Aqalka Sare ee 11-Agoosto ka dhacday caasimadda Puntland ee Garoowe.

Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ee Maanta la Doortay:

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
  2. Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab”
  3. Maxamed Cabdi Cismaan “Majiino”
  4. Cabduallaahi Cali Xersi “Tima-cadde”
  5. Cabdisamad Yuusuf Maxamed “Abwaan”
  6. Daahir Ayaanle Saciid
  7. Farxaan Cali Xuseen
  8. Saynab Ismaaciil Maxamed
  9. Cabdiqani Geelle Maxamed
  10. Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
  11. Sareedo Maxamed Xasan “Jeyte”

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashada wuxuu ammaan u jeedinayaa dhammaan qaybihii kala duwanaa ee ka qaybqaatay qabashada doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal, Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa ugu hambalyeeyey Dowlada Puntland qabashada Doorashada Xubnaha Aqalka Sare. Sidoo kale Dawladda Puntland waxaan ku bogaadinaynaa  meelmarinta qoondada haweenku ku leeyihiin Golaha Aqalka Saree ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii saddex haween ah ay ka mid noqdeen xubnaha Aqalka Sare ee Puntland ugu matalaya kuraasta Baarlamaanka JFS.

Guddigu waxa uu ugu baaqayaa dowlad goboleedyada kale inay bilaabaan doorashada Aqalka Sare, si markaa aan loo dhaafin waqtigii loo asteeyey doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Degso war-saxaafadeedkaan (PDF; 127 kB)