Doorashada Afartii Kursi ee u Horreeysay Aqalka Sare oo Kismaayo ku soo Gabagabowday

Doorashada Afartii Kursi ee u Horreeysay Aqalka Sare oo Kismaayo ku soo Gabagabowday

Waxaa maanta ku soo gabagaboobay magaalada Kismaayo ee caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dawlad-Goboleedka Jubaland doorashada afartii kursi ee u horreeyey ee musharraxiintu ugu tartamayeen senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashadaan oo ay maamulayeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Maamul-Goboleed ee Jubaland, ayna korjoogtaynayeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashooyinnka ayaa afarta kursi ee maanta loo tartamayey waxa ay kala ahaayeen:

  • Kursiga #1aad
    • Ilyaas Badal Gaboose
    • Maxamed Axmed Sayid
  • Kursiga #2aad
    • Cabdullaahi Sh. Ismaaciil “Fartaag”
    • Axmed Maxamed Jaamac
  • Kursiga #3aad
    • Ibraahim Yacquub Ismaaciil
    • Iftiin Xasan Iimaan
  • Kursiga #4aad
    • Xaliimo Jaamac Maxamed
    • Cabdirisaaq Maxamed Cismaan

Sida ay habraacyada doorashadu dhigayaan, xildhibaannada Aqalka Sare ayaa waxaa soo dooranaya Golaha Wakiillada ee Dawlad-Goboleedka. Haddaba, Xildhibaannada Aqalka Sare ee maanta la doortay ayaa waxaa dooranayey 73 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dawlad-Goboleedka Jubaland.

Doorashada kursiga kowaad

Kursigii ugu horeeyay ee Senatarrada Aqalka Sare ee ay ku tartameen Ilyaas Badal Gaboose iyo Maxamed Axmed Maxamuud waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose oo noqday  xildhibaankii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 2021 – 2025 ku matali doona maamulka Jubaland isaga oo helay 55 cod, halka musharax Maxamed Axmed Sayid oo uu helay 17 cod. Gudoomiyaha baarlamaanka Jubaland ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada ayada oo ay goobjoogayaal ka yihiin wakiillada labada musharrax.

Doorashada kursiga labaad

Kursiga labaad oo ay u tartameen Cabdullaahi Sh. Ismaaciil “Fartaag” oo ka soo mid noqday xildhibaannadii Aqalka Sare ee 2016 – 2021 iyo Axmed Maxamed Jaamac ayaa waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac. Sidaas darteedna Cabdullaahi Sh. Ismaaciil ayaa ku guuleystay 71 cod oo ka mid 73dii cod ee la heli karay, codeynta oo ahayd gacan-taag.

Doorashada kursiga saddexaad

Kursiga saddexaad ee maanta lagu tartamayey waxa ku guulaystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan oo helay 59 cod iyo Xaliimo Jaamac Maxamed oo heshay 12 cod. Waxaa xusid mudan in afartii sano ee tagtay ay kursigan ay Jubaland ku matalaysay Sen. Faadumo Xasan Aadan oo aan ku tartamin difaacashada kursigan.

Doorashada kursiga afraad

Kursigii afraad ee maanta lagu tartamayey waxa ku guulaystay Iftin Xasan Baasto kadib markii uu Ibraahim Yacquub u tanaasulay, waxana lagu codeeyay qaabka gacan-taagga ah. Mudanahan ayaa noqday Sanator kii afraad ee maanta k amid noqday xildhaannada Aqalka Sare ee Dawlad-Goboleedka Jubaland ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.