Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo la kulmay wakiillada naafada Soomaaliyeed

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo la kulmay wakiillada naafada Soomaaliyeed

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal (GHDHF) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiillo ka socda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo hubin lahaa in dadka baahiyaha gaarka ah qabo helaan xuquuqdii muwaadinimo ee doorashada 2020/2021.

Kulanka ayaa waxaa looga dooday muhiimadda ay leedahay in bulshadu u aqoonsato dadka naafada ahi in ay xuquuq siyaasadeed iyo mid mujtamac ba ku leeyihiin dalka.

Guddoomiyaha GHDHF, Maxamed Xasan Cirro oo kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in “bulsho marka ay tahay bulsho wada nool oo hal waddan wada leh, [si bulshonimadeedu u] toosnaato, waa in ay ka wada qayb qaadato hannaanka siyaasadda.”

Kulanka ayaa looga hadlay caqabadaha ka hortaagan in dadka naafada ahi metelaad siyaasadeed helaan sida looga gudbo karo caqabadahaas.

Waxaa sida oo kale la isku weydaarsaday dood iyo aragtiyo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa ka qeybgalka doorashada ee dadka naafada ah.