War-saxaafadeed: Kulanka loo Madlan yahay ee Dhinacyada Hoggaanka Golaha Siyaasadda

War-saxaafadeed: Kulanka loo Madlan yahay ee Dhinacyada Hoggaanka Golaha Siyaasadda

Muqdisho, Maarso-16-2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu soo dhaweynayaa kulanka loo madlan yahay ee dhinacyada hoggaanka Golaha siyaasadda ay qorshaynayaan in ay deg deg u qabtaan, una xalliyaan tabashooyinka jira si dalka ay uga bilaabato doorasho loo dhan yahay oo caddaalad u dhacda, taas oo ah himilada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Guddigu wuxuu ka codsanayaa hoggaamiyayaasha Golaha siyaasadda in ay ku daraan arrimaha doorashada ee go’aammada ka gaarayaan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad ee 2021, qoondadaas oo ku cadayd heshiisyadii horey loo gaaray oo dhigaya in xubnaha baarlamaanka ay 30% noqdaan haween.

Guddigu, isagoo maanka ku haya caqabadaha kala duwan ee haweenka hortaagan, sida tan ka imaanaysa wax qaybsiga qabaa,ilka iyo duruufaha dhaqaale ee jira waxa aan usoo jeedinaynaa Golaha wadatashiga Qaran in khidmada lacagta laga dhimo 50% haweenka tartamaya.

Guddigu, isaga oo eegaya xaaladaha waddanku ku sugan yahay ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa uu ku boorinayaa hoggaamiyayaasha siyaasadda in ay qaataan go’aammo lagu badbaadinayo dadka iyo dalka.

Ugu danbeyntii, guddigu wuxuu ugu baaqayaa markale, Dowladda federaalka soomaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember 2020. **DHAMMAAD**