Ra’iisul Wasaare Rooble oo Daahfuray Tababbarka Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Daahfuray Tababbarka Guddiyada Doorashada iyo Xallinta Khilaafka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa daahfuray tababbarka Guddiyada Doorashada ee Heer Federaal, Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, iyo Guddiga Xallinta Khilaafka Doorashooyinka.

Tababbarkaan ayaa diiradda lagu saarayaa dardargelinta geeddi-socodka doorashooyinka kuraasta labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo in hannaanka doorashadu u qabsoomo si xor iyo xalaal ah.

Tababbarkaan waxaa xubnaha guddiyada doorashada u qabanaya xeeldheerayaal xagga doorashooyinka ah, waxaa na muddada uu socdo lagu qaadanayaa mawduucyo ay ka mid yihiin dhawrista hufnaanta doorashada, sugidda amniga doorashada iyo xallinta murannada ka dhalan kara doorashada.