Doorashada Guddoonka ku-meel gaarka ah ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Doorashada Guddoonka ku-meel gaarka ah ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

Muqdishu, 2 Luulyo 2021 – Kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geelle Yuusuf guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkaan cusub ee ku-meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban-qaabinta iyo qabashada guddoonka guddiga qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan (5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4 Luulyo 2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.