War-saxaafadeed: Xallinta Is-marin-waaga Doorashada

War-saxaafadeed: Xallinta Is-marin-waaga Doorashada

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka in ay deg deg isugu yimaaddaan, si loo xaliyo tabashooyinka kasoo laabtay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020.

Guddigu wuxuu kaloo soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah.

Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020.

Guddigu waxaa kale oo uu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada in ay ku dadaalaan, qaybna ka qaataan isu soo dhoweynta dadka, lagana fogaado hadallada ku dhisan kala kaxaynta iyo qaybinta bulshada.

Guddigu wuxuu u mahad celinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay dadaaladii xal u helidda ee heshiiskii Muqdisho ka dhacay 25 Febraayo. Sidoo kale waxaa Guddigu u mahad celinayaa dadaalada xoogan ee ay Beesha Caalamka ugu kala dab qaadayaan dhinacyada si loo gaaro is faham buuxa.

Ugu dambeyntii, Guddigu waxa uu shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xalka kaliya ee marxaladdaan xasaasiga ah looga gudbi karaa ay tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhanyahay, iyadoo guddiguna diyaariyey dhammaan habraacyadii doorashooyinka ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17/09/2020.

DHAMMAAD