Gudoomiyha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal oo kulan fogaan-aragga ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Gudoomiyha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal oo kulan fogaan-aragga ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Gudoomiyha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), Mudane Maxamed Xasan “Cirro” ayaa maanta kulan fogaan-aragga ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan. Intii kulanku socday ayaa looga hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka dalka.

Gudoomiyaha GHDHF ayaa warbixin kooban ka siiyay ergayga gaarka ah ee QM Soomaaliya, diyaar garawga hawlaha doorashooyinka dalka.

Waxa kale oo Guddoomiye Cirro hoosta ka xariiqay in ka guddi ahaan ay diyaariyeen dhammaan howlihii farsamo ee loo baahnaa si dalka doorasho uga dhacdo .

Dhanka kale, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa intii uu kulanku socday bogaadiyay howsha baaxadda leh ee ay gudiyadu qabteen.

James Swan waxa kale oo uu muujiyay in xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya markasta diyaar u yahay inay taageero buuxda ka gaystaan geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay taageerida beesha caalamka ay marwalba la garab taagan yihiin dowlad dhiska Soomaaliya.

Labada dhinac waxay rajo ka muujiyeen shirka Dhusamareeb in xal looga gaaro qodobada lagu kala aragti duwanyahay, dalkana loo jiheeyo jawi doorasho.

DHAMMAAD